Waxaa xaley Magaaalada jowhar lagu soo afmeeray doorashada gudoonka sare ee baaralamaanka Maamulka hirshabeelle.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa u tartamayay xildhibaan Canab Axmed Ciise,xildhibaan, Mahad Xasan Cismaan iyo Aadan Maxamed Muuse waxaana wareegii hore uu ku dhamaaday 46 cod oo ay heshay Xildhibaan Canab Axmed Ciise halka uu ka helay xildhibaan Mahad Xasan Cismaan 27 cod waxaana 13 cod helay xildhibaan Aadan Maxamed Muuse. Sidaa awgeed waxaa wareegii hore ku haray Xildhibaan Aadan Maxamed Muuse.
Gabagabdi wareega 2aad ee lagu tartamay xilka guddoomiye ku xigeenka 2aad ee baarlamaanka Hirshabeelle ayaa waxaa ku guuleysatay xildhibaan Canad Axmed Ciise oo heshay 47 cod halka uu xildhibaankii la tartamayay ee Mahad Xasan Cismaan uu ka helay 41 cod.
Xilibaanada baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa lagu wadaa in ay dhawaan doortaan madaxweynaha maamulka hirshabeelle iyadoona ay jiraan musharaxiin u taagan qabashada xilkaasi.







