Dhageyso:-Galmudug “Puntland Waxa ay u soo jeesatay Dagaal Sukeeye”

0

 

Waziirka dekaddaha Maamulka Galmudug Burhaan Warsame oo la hadlay idaacada Simba ee magaalada Muqdisho ayaa masuuliyiinta Maamulka Puntland ku eedeeyay in ay usoo jeesteen ina ay ka shaqeeyaan bur-bur iyo in dalku markale cagaha la galo colaado iyo dagaalo sokeeye oo dalku uu kusoo jiray mudo rubac qarni ah islamarkaana  aysan  dani ugu jirin muwaadin kasto oo Soomaaliyeed.

Waziirka dekadaha Galmudug ayaa sheegay in hogaamiyaasha Puntland aysan xitaa ka fakarin danta iyo nabada bulshada ay maamulaan islamarkaana ay doonayaan sida uu sheegay mustaqbal xumi ku dhacda guud ahaan  shacbiga Soomaaliyeed.

Burhaan Warsame Waziirka dekadaha dowlad goboleedka galmudug oo sii hadalayay ayaa nasiib daro ku tilmaamay eedaymaha puntland ay u jeedinayso ciidamada dawlada federaalka soomaliya oo ay sheegtay puntland in ciidamada dowladu ay ka qayb qaaateen dagaaladii ka dhacay todobaadkan galbeedka magaalada gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug.

28kii bishii aynu soo dhaaafnay  ayaa waxaa markale magaalda Gaalkacyo dib uga bilaawday xiisad daagaal oo udhaxeya Puntland iyo Galmudug taasi oo hishiis dawladu garwadeen ka ahayd labada maamul  ay ku hishiiyeen kol hore in la joojiyo colaada gobolka

Xiisadahan dib uga soo cusboonaaday Gaalkacyo ayaa ka dhashay ka dib markii ay diyaaraha dagaalka Maraykanka ay duqeeyeen saldhig bariga gobolka Mudug ay ku lahaayeen ciidamada Maamulka Galmudug

Waxaana marka laga soo tago xiisada gaalkacyo aad moodaa in dagaal afka ah oo udhaxeeya Puntland iyo Galmudug uu sidoo kale ka socdo warbaahinta oo labada dhinacba ay isku marinayaan hadalo ubadan eedaymo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here