Waxa gordhow magaalada jowhar ee xarunta gobolka shabeelaha dhexe gaaray wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha baarlamaanka soomaaliya Maxamed cusmaan jawari.
Gudoomiye jawari ayaa si wyen logu soo dhaweeyay magaalada jowhar iyadoona garooka diyaaradaha magaalada jowhar ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiin uu kamid yahay Gudopomiyaha gobolka shabeelaha dhexe.
Gudoomiyaha jawari ayaa kaga qeyb gelaya magaalada jowhar maanta doorashada Gudoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa ee maamulka Hirshabeelle.
Waxaa haatan magaalada jowhar laga dareemayaa diyaar garowga lagu dooranayo gudoomiyaha baarlamaanka maamulka hirshabelle.

