Ciidamada amaanka dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay Muwaadin u dhashay Ingiriiska oo looga shakiyay inuu qorayay dhalinyaro doonaysa ku biirista Xarakada Al-shabaab oo soomaliya ka dagaalanta.
Muwaadinkaan u dhashay ingiriiska ayaa waxa lala xiray laba dumar ah oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Soomaali kuwaasoo laga soo qabtay guri ku yaala xaafada kore-suuqa , oo ah meel aan sidaas kaga fogayn xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada Nairobi Caasimada dalka Kenya Sida laga soo xigtay wargeyska The Star.
Howlgal qorshaysan ay fuliyeen iidamada khaaska iyo laanta ka Hortaga Dambiyada Gaarka ah ayaa lagu soo qabtay Muwaadinkaan u dhashay ingiriiska iyo labada dumar ee lala xiriirinaayo in Al-shabaab ay la shaqeeyaan.
Dhanka kale Afhayeen u hadlay Xafiiska Arrimaha Dibadda ee boqortooyada UK ayaa warbaahinta u sheegay in dowladda Kenya ay kusoo wargalisay in nin Britishi ah lagu xirey Magaalada Nairobi kaasi oo lagu tuhmaayo in uu la shaqeeyo xarakada Al-shaabaab.

