Muwaadin u Dhashay Ingiriiska oo Looga Shakiyay Al-shabaab oo Lagu Qabtay Magaalada Nairobi

0

Ciidamada amaanka dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay Muwaadin u dhashay Ingiriiska oo looga shakiyay inuu qorayay dhalinyaro doonaysa ku biirista Xarakada Al-shabaab oo soomaliya ka dagaalanta.

Muwaadinkaan u dhashay ingiriiska ayaa  waxa lala xiray laba dumar ah oo asal ahaan  kasoo jeeda dalka  Soomaali  kuwaasoo laga soo qabtay guri ku yaala xaafada kore-suuqa , oo ah meel aan sidaas kaga fogayn xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada Nairobi Caasimada dalka Kenya  Sida laga soo xigtay wargeyska The Star.

Howlgal qorshaysan ay fuliyeen iidamada khaaska iyo laanta ka Hortaga Dambiyada Gaarka ah ayaa lagu soo qabtay Muwaadinkaan u dhashay ingiriiska iyo labada dumar ee lala xiriirinaayo in Al-shabaab ay la shaqeeyaan.

Dhanka kale Afhayeen u hadlay Xafiiska Arrimaha Dibadda ee boqortooyada UK ayaa  warbaahinta u sheegay  in dowladda Kenya ay kusoo wargalisay in nin Britishi ah lagu xirey Magaalada Nairobi  kaasi oo lagu tuhmaayo in uu la shaqeeyo  xarakada Al-shaabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here