Dawladda Turkiga oo Boqolaal Ton oo Gar-gaar ah Soo Gaarsiisay Gudaha Somaliya

0

Sida lagu daabacay wakaalada wararka ee dalka Turkiga shaqaalaha Somalida ah ee gar gaarka ka shaqeeya ayaa sheegay in dawlada Turkigu ay Somalia soogaarsiisay 8,500 ton oo ah cuno isugu jirta sokor, qamadi ,iyo saliid,gargaarkaas oo dawlada Turkigu ay ugu talagshay dadka ay abaarto saamaysay ee Somalia ku sugan.

Mohamed Yaqub oo ka tirsan shaqaalaha ay hay’adda samafalka ee al-Manhal taasi oo  wada shaqay la leh hayadda bisha cas ee dalka Turkiga ayaa sheegay in gargaarkaan lagaarsiin doono gobolada Nugal, Bari ,Awdal iyo Banadir.

Dawlada Turkiga ayaa sidoo kale keentay magaalada Muqdisho  ee Caasimada Soomaliya oo ay ku noolyihiin kumanaan  qof oo barakacayaal ah gargaar cuna oo gaaraya 11,100 tons.

Hawgalka Turkiga ee Somalia ayaa ku sheegay hadal uu soo dhigay barta twitter-ka in gargaarka cunada ah uu sidoo kale gaari doono magaalooyinka Somaliland and Puntland.

Markab sida shixnad gargaar oo kumanaan ton ah islamarkaana loogu talagalay geeska Afrika ayaa usbiicii lasoo dhaafay soo gaaray Somalia kaasi oo kasoo  amababaxay dekada ku tuula koofurta dalkaTurkiga ee Mersin.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here