Saktarka Sedexaad Ciidamada Midowga Africa ee Gobolada Baay Bakool iyo Gedo ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Howlgalada ka socda degmooyinka Gobolada baay iyo Bakool oo ay si wadajir ah u wadaan Ciidamada sida gaar ah u tababaran ee maamulka Koonfur Galbeed soomaliya iyo Midowga afrika ee Amisom.
Taliye-kuxigeenka Saktarka Sedexaad Ee Ciidamada Midowga Afrika Ee Amison Baay Bakool Iyo Gedo Kornel Asirti ayaa waxaa uu kahadley amaanka Gobolada Baay iyo Bakool Waxaa uu Sheegey Wadooyinkii qaar ee Horey u Fadhiyeen Al Shabaab Dhibaato Kala Duwana ay ku Hayeen Shacabka ku nool Goboladaasi In ay ku guleesteen Ciidamada howlgala Kawada Degmooyinkaasi Kasaarida Xarakada Al Shabaab.
Sidoo kale Taliye-kuxigeenka Saktarka Sedexaad ee Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM Soomaliya Baay Bakool Iyo Gedo Korneel ayaa sheegay In ay jiraan askar ka Tirsan Xarakada Al-shabaab oo wali ku sugan deegaano ka tirsan Gobolada Baay iyo Bakool balse dhawaan laga saari doono.

