Madaxweyne Guuleed oo U Baaqay Bulshada  Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe inay u midoobaan Dhismaha  Hir-Shabelle

0

Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Galmudug C/kariin Xussen Guulled ayaa ugu baaqay Qeybaha kala Duwan ee Bulshada Gobalada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe inay u midoobaan Dhismaha Maamulka Hir-Shabelle ee lagu dhisayo Shirka Jowhar.

Madaxweyne Guulleed ayaa Sheegay in Maamulkiisu Taageersan yahay Hanaanka Dhisamaha Maamulka Hir-Shabeelle Kaasi oo Noqonaya Maamul Gobaleedkii ugu Danbeeyey ee laga Dhiso Gobalada Koofurta Soomaaliya waxa uuna ugu baaqay Bulshada Labadaasi Gobal inay umi doonaan Sidii loo Dhamastri laa Xubnaha Maamulkaas.

Mudane Guulled ayaa Guul Taariikhi ah ku Tilmaamay Horumarka laga Sameeyey Maamul u sameeynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo hada uu Xusay inuuu Meel wanaagsan marayo Asagoo sida Cad u Sheegay in Xiirar Dhow oo wada Shaqeyneyd iyo Mid darisnimo intuba ay Dhexmari doonaan Galmudug iyo Hir-Shabeelle.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here