Xaalada Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug oo Saakay Degan iyo Ciidamada Puntland iyo Galmudug oo is Hor Fadhiya

0

Xaalada Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa saakay degan kadib markii Ciidamo kala taabacsan Maamulada Puntland iyo Galmudug ay Magaaladaas ku dagaalameen galab dhicii shalay iyo xalay, iskastoo saakay la maqlayo rasaas teel teel ah.

Maamulada Galmudug iyo Puntland oo ka wada arrimiya Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, ayaa waxaa la soo sheegaya in xalay ay soo geliyen ciidan hor leh, isla-markaana ay xoojisay dareenkii ay shacabku qabeen.

Culima’udiinka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, ayaa waxay ugu baaqeen Maamulada Puntland iyo Galmudug inay joojiyan dagaalka dib kaga soo cusboonaaday Magaalada Gaalkacyo, iyagoona ugu baqay in la tixgaliyo heshiiyadii hordhaca ahaa.

Sheekh Maxamuud Yuusuf Muuse iyo Sheekh Muxudiin Sheekh Yuusuf Barre, ayaa waxay labada maamulba ugu baaqeen inay ka wada shaqeeyan nabadgelyada Gaalkacyo, Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Muxudiin, ayaa si isu midda u sheegay inaanan loo baahnayn in la barakiciyo dadka wada dhashay, isla-markaana wada hadal lagu xaliyo wixii khilaaf ah ee labada maamul u dhaxeeya.

lama ogo qasaaraha ka dhashay dagaalkii shalay iyo xalay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee soo Gaaray ciidamada wada dagaalamay iyo shacabkii ku haray magaalada inkastoo shacabka badankiisa ay xalay magaaladas ka carareen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here