Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaliya C/qaadir Shiikh Cali (Diini) oo warbaahinta kula hadlay magaalada Cadaado ee Caasimada Kmg-ga Maamulka Galmudug ayaa ku booriyay Maamul Goboleedyada dalka ka jira in ay kaalin weyn ka qaataan dib u heshiisiinta beelaha wada dagaalsan ee wada daga deeganada ay maamulaan.
C/qaadir Shiikh Cali (Diini) Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa ku dhaliilay madaxda maamulka Galmudug in ay ka gaabiyeen kaalintii dib u heshiisiinta beelaha wada daga deegaanada Galmudug islamarkaana maamulkii kaalin weyn ka qaata dib u heshiisiinta beelaha wada Gobolada dalka Soomaliya ay taariikhda Xusi doonto.
“Maamulka Galmudug waxaa moodaa in uu ka gaabiyay kaalintii dib u heshiisiinta beelaha wada daga Gobolada Mudug iyo Galgaduud, hadaan wax ka soo qaadno arrimaha dib u heshiisiinta, maamul Galmudug waxa uu ka gaabiyay wada-hadalkii maamulka Ahlusuna Waljameeca, beelaha walaala ah ee ku dagaalama deeganada Galmudug, dagaalada kusoo lab-laabtay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug” ayuu Yiri Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaliya C/qaadir Shiikh Cali (Diini).
Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane C/qaadir Shiikh Cali (Diini) ayaa ku tilmaamay arinta aqalka sare mid saameyn badan dalka ku yeelatay islamarkaana uu qilaaf soo kala dhexgalay dadka Soomaliyeed.

