Wasiirka Gaashaandhiga Soomaliya oo Madaxda Galmudug ku Dhaliilay in ay ka Gaabiyeen Dib  U Heshiisiinta

0

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaliya C/qaadir Shiikh Cali (Diini) oo warbaahinta kula hadlay magaalada Cadaado ee Caasimada Kmg-ga Maamulka Galmudug ayaa ku booriyay Maamul Goboleedyada dalka ka jira in ay kaalin weyn ka qaataan dib u heshiisiinta beelaha wada dagaalsan ee wada daga deeganada ay maamulaan.

C/qaadir Shiikh Cali (Diini) Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa ku dhaliilay madaxda maamulka Galmudug in ay ka gaabiyeen kaalintii dib u heshiisiinta beelaha wada daga deegaanada Galmudug  islamarkaana maamulkii kaalin weyn ka qaata dib u heshiisiinta beelaha wada Gobolada dalka Soomaliya ay taariikhda Xusi doonto.

“Maamulka Galmudug waxaa moodaa in uu ka gaabiyay kaalintii dib u heshiisiinta beelaha wada daga  Gobolada Mudug iyo Galgaduud, hadaan wax ka soo qaadno arrimaha dib u heshiisiinta, maamul Galmudug waxa uu ka gaabiyay wada-hadalkii maamulka Ahlusuna Waljameeca, beelaha walaala ah ee ku dagaalama deeganada Galmudug, dagaalada kusoo lab-laabtay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug” ayuu Yiri Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaliya C/qaadir Shiikh Cali (Diini).

Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane C/qaadir Shiikh Cali (Diini) ayaa ku tilmaamay arinta aqalka sare mid saameyn badan dalka ku yeelatay islamarkaana uu qilaaf soo kala dhexgalay dadka Soomaliyeed.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here