Xildhibaanada Cusub Baarlamanka Maamulka Hir-Shabeelle oo Lagu Dhaariyay Magaalada Jowhar+Sawirro

0

Magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulka Hir-Shabeelle  waxaa caawa lagu qabtay Xaflad lagu dhaarinaayay  Xildhibaanada  Cusub ee Baarlamaanka maamulka Hirshabelle.

Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeybgalay wasiirka arrimaha gudaha dowlada Federalka Cabdraxmaan Xuseen Odowaa,wakiil ka socday urur goboleedka IGAD,Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Cabdulaahi Xuseen iyo saraakiil ka tirsan wasaarada arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaliya.

73 xildhibaan oo 3 ka mid ah ay tahay haween ayaa loo dhaariyay xildhibaanimada Baarlamaanka maamul goboleedka Hirshabeelle.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudan  Cabdraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa sheegay in xildhibaanada ay la wareegayaan maamulida shirka iyadoo lagu wado in xildhibaanada ay doortaan guddoomiye 12ka bishan kadibna loo gudbo doorashada Madaxweynaha maamul goboleedka.

1476033948a8fad 147603393560e55 1476033943342d6 14760339519526f 147603394665055

14581423_1278274675557111_1114630218462578937_n dhaarinta-xildhibanka-2-1 dhaarinta-xildhibanka-3-1 dhaarinta-xildhibanka-7-2 dscn4705 dscn4713

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here