Magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulka Hir-Shabeelle waxaa caawa lagu qabtay Xaflad lagu dhaarinaayay Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka maamulka Hirshabelle.
Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeybgalay wasiirka arrimaha gudaha dowlada Federalka Cabdraxmaan Xuseen Odowaa,wakiil ka socday urur goboleedka IGAD,Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Cabdulaahi Xuseen iyo saraakiil ka tirsan wasaarada arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaliya.
73 xildhibaan oo 3 ka mid ah ay tahay haween ayaa loo dhaariyay xildhibaanimada Baarlamaanka maamul goboleedka Hirshabeelle.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudan Cabdraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa sheegay in xildhibaanada ay la wareegayaan maamulida shirka iyadoo lagu wado in xildhibaanada ay doortaan guddoomiye 12ka bishan kadibna loo gudbo doorashada Madaxweynaha maamul goboleedka.











