Madaxweynaha soomaliya Xasan shiikh Maxamuud oo goor dhaweyd  Gaaray Dalka jabuuti.

0

Madaxweynaha jamuuriyada soomaaliya xasan sheikh maxamuud ayaa goor dhaw gaaray dalka jabuuti waxaana madaxweynaha garoonka kusoo dhaweeyey wafdi balaaran oo kasocday dowlada jabuuti kaasi oo uu hor kacayey madaxweynaha dalka jabuuti ismaaciil cumar gelle.

Madaxweynaha ayaa ka qeyb gali doona kulan gaar ah oo looga hadlaayo arrimha burcad badeeda soomaalida iyo sidoo kale amniga guud ee gobolka.

Dhanka kale saraakiil sar sare oo kasocda dalka shiinaha ayaa ka qeyb gali doona kulankaasi looga hadlayo ka hortaga burcad badeeda soomaalida .

Saraakiisha shiinaska ah ayaa kala hadli doona madaxweynaha dalka jabuuti ismaaciil cumar geelle sidii shiinaha saldhig miliry uu uga sameesan lahaa dalka jabuuti.

Mudane ismaaciiil cumar gelle oo wareysi gaar ah siiyey warbaahin laga leeyahay dalka faransiiska ayaa horay u sheegay in shiinaha iyo jabuuti ay wada saxiixdeen hishiis shiinaha u ogolaanayo in saldhig military uu ka dhigto dalkaasi jabuuti waxaana horay dalkaasi saldhiga ugu weyn ee military ku lahaa dalka mareykanka.

Madaxweynaha dalka soomaaliya ayaa sigaar ah kulan kula yeelan doona xarunta madaxtooyada dalka jabuuti dhigiisa dalka jabuuti ismaaciil cumar gelle kaasi oo looga hadli doona xaalada amni ee dalka soomaaliya.

Mudane xasan shiiq maxamuud ayaa shalay u ambabaxay dalka Uganda halkaasi oo kulamo kula qaatay madaxweynaha dalka Uganda yuweeri musafani.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here