Dowlada kenya ayaa ciidamo badan kusoo daadisay wadooyinka waaweyn ee dalkaasi iyadoona sigaar ciidamo u geysay xadka soomaaliya ay la wadaagto.
Ila iyo 10,000 oo ciidamada gaarka ah ee booliska dalkaasi ayaa la geeyey wadooyinka waaweyn ee dalkaasi waxaana dowlada Kenya ay talaabadaani u sameysay in laga baaqsado weeraro ay Al-shabaab ka geestaan dalkaasi.
Pope Francis oo ah ninka ugu sareeya diinta masiixiga ayaa maanta Lagu in dalka uu soogaaro , waxaana uu la kulmi doonaa madaxweynaha dalka Kenya uhurro Kenyatta.
Soo dhaweynta Pope Francis waxaa ka qeyb gali doona 1.4million oo ruux kuwaasi oo u diyaarsan in ay soo dhaweeyaan Pope Francis.
Al-shabab ayaa horay weeraro uga fuliyey dalka Kenya waxaana dowlada Kenya ay adkeysaa amaanka dalkeeda markii booqasho uu ku imaanayo masuul sare oo haya xil madaxtinimo iyo mid dhanka diinta ah.

