
Wararka ka imaanaya dalka Turky-ga ayaa ku waramaya in qaraxyo Ismiidaamin ah ay ka dhaceen Magaalada Ankara ee dalkaasi Turkiga.
Gudoomiyaha Magaalada Ankara Erkan Topaca ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxyda ay ka dhaceen meel ku dhow shirkad ka Ganacsata Fardaha islamarkaana laamaha amaanka dalka Turky-ga ay usoo qabteen arintaan nin iyo haweeney lala xiriirinaayo qaraxyada oo gaari loo adeegsaday.
Qaraxyada ayaa ka dhacay degmada Haymana, oo ku taala banaanka Magaalada Ankara ee dalkaasi Turkiga.
Ilaa iyo hada lama shaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxyada ka dhacay dalka Turkiga , laakiin inta badan weerarada lagu qaado dalka Turkiga waxaa lagu eedeeyaa kooxda PKK oo dagaal culus kula jirta dowladda Turkiga.
