Qaraxyo Ka Dhacay Magaalada Ankara ee Caasimada Dalka Turkiga

0
Police forensic officers work at the scene after suicide bombers blew themselves up in Haymana in the outskirts of Ankara, Turkey, Saturday, Oct. 8, 2016. A Turkish official says two suicide car bombers have blown themselves up after being stopped by police. Governor Erkan Topaca said the two bombers - a man and a woman - died in the incident Saturday outside a horse farm but no one else was hurt. (DHA via AP)

Wararka  ka imaanaya dalka Turky-ga ayaa ku waramaya in qaraxyo Ismiidaamin ah ay ka dhaceen  Magaalada Ankara ee dalkaasi Turkiga.

Gudoomiyaha Magaalada Ankara Erkan Topaca ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxyda ay ka dhaceen meel ku dhow shirkad ka Ganacsata Fardaha islamarkaana laamaha amaanka dalka Turky-ga ay usoo qabteen arintaan nin iyo haweeney lala xiriirinaayo qaraxyada oo gaari loo adeegsaday.

Qaraxyada ayaa ka dhacay degmada Haymana, oo ku taala banaanka Magaalada Ankara ee dalkaasi Turkiga.

Ilaa iyo hada lama shaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxyada ka dhacay dalka Turkiga , laakiin inta badan weerarada lagu qaado dalka Turkiga waxaa lagu eedeeyaa kooxda PKK oo dagaal culus kula jirta dowladda Turkiga.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here