Inta la xaqiijiyay 13-ruux oo rayid ahaa ayaa ku geeriyootay 15-kalana way ku dhaawacmeen kadib shil gaari oo ka dhacay xaafada Daaru-salaam oo ku taala duleedka degmada Yaaqshid ee magaalada Muqdisho.
Gaari noociisa lagu sheegay Spacio,Taarikadiisa ay aheyd AE4830, ayaa jiiray Dhallinyaro Kubbad ku ciyaaraysay goob salax ah oo ku taala xaafada Daaru-salaam oo duleedka degmada Yaaqshid ee Magaalada Muqdisho.
Taliyaha Ciidanka Boliiska ee Gobolka Banaadir,Gen: Bishaar Abshir Geeddi , ayaa Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay, inay Gacanta ku hayaan Baabuurka Dadka laayay,isagoo intaa raaciyay iney laamaha ammaanku ku raad joogaan wadihii gaariga oo goobta ka baxsaday.
Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa gaaray Goobta uu shilka ka dhacay, dadkii ku dhaawacmay shilka gaari ayaa la geeyay qaar kamid ah isbitaalada Magaalada Muqdisho dadka intooda badan ayaa la xaqiijiyay in ay soo gaareen dhaawacyo culculus.

