Xaalada Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug oo Saakay Degan kadib Dagaal Qasaaro Dhaliyay oo Ka Dhacay

0

Xaalada Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa degan kadib markii shalay uu dagaal Magaaladaas ku dhexmaray maleeshiyaad kala taabacsan maamulada Puntland iyo Galmudug.

Dhinacyadii wada dagaalamay ee Puntland iyo Galmudug, ayaa waxaa la soo sheegayaa in saakay ay is horfadhiyan goobihii ay Jimcihii kuwada dagaalameen.

Qoysas fara-badan, ayaa saacadihii ugu dambeeyay isaga cararay guryahooda, waxaana la soo sheegaya in ay gaareen duleedyada Magaalada Gaalkacyo.

Maamulka Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug ayaa ku eedeyay maamulka Puntland in uu mas’uul ka yahay dagaalkii xooganaa ee shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, si lamid ah Maamulka Puntland ayaa isna ku eedeeyay Galmudug iyo Al-shabaab in ay weerar kusoo qaadeen deegaanada Puntland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here