Dhageyso:- Dagaal Culus oo Dhaxeeya Ciidamada Puntland iyo Galmudug oo ka qarxay Gaalkacyo

0

Dagaal u Dheexaya Ciidamada Maamul Gobaleeyada Puntland iyo Galmudug ayaa Saaka waabarigii hor ka Qarxay Xaafada Garsoor ee Galbeedka Magaalada Gaalkcyo.

Dagaalkaan ayaa markii hore ku bilowday iska Hor imaad Dhexmaray Maleeshiyaad ka soo kala jeeda labada Maamul balse waxaa markii danbe ku soo Biiray Ciidamo Wata Gaadiid Dagaal oo kala Taabacsan Galmudug iyo Puntland.

Warar ayaa intaa ku Sii daraya in Daqiiqado koban ka Dib ay Ciidamada Maamulka Puntland ay la Wareegay gacan ku heynta Xaafada Garsoor gaar ahaan Qeybta Xigta kontarool Koofur Gaalkacyo waxaan Dhawaaqa Rasaasta Qoryaha Culus laga Maqlayaa galbeedka Magaalada oo ay u Baxeen Ciidamada Maamulka Galmudug ee laga Itaalka roonaaday Dagaalka saakka.

Wariye Jamaal Faarax Aadan oo Sugan Goobta Dagaalku uu saaka ka Bilowaday ee Xaafada Garsoor  ayaa Soo Sheegay Labada Ciidan ay hada ku Dagaalamayaan Duleedka Galbeed ee Magaalada Gaalkacyo Ilaa iyo Hadana Ma Cada Tirada Qasaaraha soo kala gaaray Ciidamada Dagaalku uu Dhexeeyo

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here