Wararka saakay idaacadda simba ee magaalada muqdisho ay ka heleyso magaalada gaalkacyo ayaa ku waramaya in magaaladaasi saakay ay ka jirto xiisad u dhaxeyso ciidamo kala taabacsan maamulada puntland iyo Gal-mudug.
Xiisad ayaa u muuqata in ay ka dhalatay marki puntland dhawaan ay shaacisay in maxjar ay sheegeen in lagu kala wareejinaayo xoolaha nool ee laga qaado gobolada konfureed islamarkana ka gudbiyo magalada Gaalkacyo.
Ciidamo fara badna oo kala taabacsan labada Maamul ayaa lagu arkayaa gudaha magaalada waxana puntland ay haatan wadaa qorshihi ay maxjarka ku dhisi laheyd.
Waxaa mudooyinki la soo dhaafay cirka isku shareerayay xiisada u dhaxeyso labada maamul iyadoona waxgaradka Gobolka Mudug ay ka digayeen in xiisadan ay sababi karto dagaal labada maamul dhexmara.

