Wasiir Qalloocoow: “Dowladda Talaabo Ayay Ka Qaadi Doontaa Dadka is Hor Istaagaya Qorsahaha Hormarinta Qaranka”,

0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo IskaashigaCaalamiga Mudane Cabdullaahi Sh Cali “Qalloocoow” oo maanta hadal ka jeediyay Xiritaanka tababar ku saabsanaa habka loo sameeyo dabagalka iyo qiimeynta Qorsheynta oo loo qabtay howlwadeeno ka tirsan Wasaaradda, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaarisay Qorshaha Qaranka, isagoo digniin adag u diray shaqsiyaad iyo hay’ado caalami ah kuwaas oo uu ku dhaliilay in ay doonaya sidii ay u hor istaagi lahaayeen qorsahaha hormarinta qaranka Soomaaliyeed oo horay ay u diyaarisay Wasaaraddu.

“Hay’addaha Caalamiga ah iyo shaqsiyaadka ku mashquulsan  qorshaha qaran waxaan u sheegayaa  qorshaha waa la sameyay waana socanayaa mana istaagayo, marka waxaan u shaeegayaa in dalka uu socanayaa marka somaaliya caqad lagu haayo waan kooxaha ku howlan abuurista caqabadahaasi”. Ayuu yiri mudane Qalloocoow.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamuud ayaa 29-kii bishii Jun ee sanadkaan daahfuray Barnaamishka Qorshaha Horumarinta Qaranka ee loo yaqaano “NATIONAL DEVELOPMENT PLAN 2017-2019”, kaas oo noqday 30 sano kadib markii ugu horreysay ee Soomaaliya ay yeelato Qorshe Qaran.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here