Shirka Gollaha Wasiiradda Puntland oo Maanta Loogu Hadlay Arrimaha Ammaanka, iyo Doorashooyinka Dalka Ka Dhacaya

0

Shirka Gollaha Wasiirada Puntland-Soomaaliya oo uu shir gudoominayey madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa waxaa looga hadlay arrimaha ammaanka , doorashooyinka dowladda Soomaliya iyo warbixino.

Xaaladda amaanka

Madaxweynaha Puntland Cabdweli Maxamad Cali Gaas ayaa golaha wasiirada u sheegay in dhammaan laamaha ammaanka la geliyey feejignaan dheeraad ah waqtiga doorashada, sial markaana caasimadda Puntland ee Garowe ay ka socoto howl galo amniga lagu xaqiijinayo, sidaasi awgeed waxaa golahayaasha iyo shacabka la farayaa in ay la shaqeeyaan laamaha ammaankalaguna taageero laamaha ammaanka howsha ay wadaan.

Doorashada baarlamaanka hoose ee dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Gaas ayaa shacabka Puntland u sheegay in ay ku howlan yihiin dar-dar gelinta doorashooyinka dadban, isal markaana waxa uu ku dhiiri geiliyey isimada dhaqanka ee doorka ku leh soo xulista xybnaha ka mid noqonaya baarlamaanka cusub ee ergooyinka kala xulanaya xubnaha u tartamaya kursiga barlamanaka in ay  doortaan xilhibaano lagu aamnino karo masiirka umadda Soomaaliyeed.

Warbixino.

Ugu dambeen golaha wasiirada Puntland waxa ay warbxino ka dheysteen madaxweyne ku xigeenka Puntland oo safar shaqo kaga soo laabtay magaalada Gaalkacyo iyo wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha oo ka warbixisay dib u habeynta hay’adaha.

 

img_8635-1 img_8636

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here