Kooxo hubeysan ayaa xaley weerar ku qaaday Magaalada Mandheera ee gobolka waqooyi bari ee wadanka Kenya.
Koox ku hubeysneyd qoryaha fudud iyo banbaanooyin ayaa waxa ay weerar la beegsadeen goob ay ku sugnaayeen dad aan u dhalan magaalda mandheera.
Dadka weerarka lagu qaaday ayaa la sheegay in dhismo ay ku sugnaayeen in marki hore bambaano l;agu dhuftay marki irida si xoog ahna lagu jabiyay ay raga hubeysan ay toogteen lix qof oo kamid aha dadki ku sugnaa goob lagu bixiyo adeegyada dadweynaha islamarkaana lagu magacaabo Bulla public works.
Gudoomiyaha Gobolka Mandheera Frederick Shisia ayaa warbaahinta u sheegay in dadka la dilay aysan aheyn soomaalida kunool mandheera balse ay yihiin dadka kale ee kenyanka islamarkaana ka shaqeynayay Magaalada.
Gudoomiyaha Gobolka mandheera ayaa dhinaca kale waxa uu sheegay in ciidanka ay wadaan baaritaan ku aadan qaabka falkaan uu u dhacay islamarkaana ay baarayaan dhismaha la weeraray in ugu tageen al shabaab waxyaabaha qarxa.
Weerarkaan oo dhacay 2:30 ama sideed saac iyo bar habeenimo , waxana saraakiisha ciidamada amaanka Kenya ay sheegen in la soo bad baadiyay dad badan oo goobta ku go’doonsana.

