Dowladda Kenya ayaa iska fogeysay eedeemo loo jeediyay Ciidamada Booliska dalka Kenya ee ku aadan dilalka sharci darrada ah oo ay u gaysanayaan dad shacabka ah iyagoo la xiriiriya in ay kamid yihiin waxa logu yeero Argagixisada.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Xiriirinta Xukuumadda Jeneral Joseph Nkaissery oo maanta warbahinta kula Hadlay Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya ayaa ku tilmaamay eedeemahaas kuwa aan waxba ka jirin islamarkaana ay baahiyeen dad kasoo horjeeda hormarka Kenya.
Waxa uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya in dowladda ay ka warqabto in uu jiro shirqool xubno ka mid ah si ay u wiiqaan hawsha iyo adeega bilayska qaran iyaga oo fulinaya dilalka sharci darada ka dib markii saraakiil dhowr ah ay gaysteen falalka caynkaas ah, ka dib markii ay ka soo horjeesteen sharciga.
Wuxuu dhaleeceeyay warbixinta, ka dib markii ay shaaca ka qaaday in booliska dilay wadar ahaan 122 oo Kenyan ah 18 bilood gudahood, isagoo leh warbixinta waxay u muuqataa in la amaanayo akhlaaqda dambiyada halista ah.
Wasiirka oo la hadlayay warbaahinta ayaa sidoo kale sheegay in saraakiisha akhlaaqda daran kuwaas oo ceebeeya magaca adeegga bilayska ay wajahaan sharciga, iyado aan marnaba la aqbaleenin kuwa ku xadgudba sumcada adeegga bilayska.
Warbixin loogu magac daray ‘Dhimashada iyo dadka la waayo ee howlgalada la dagaalanka argagaxisada ee magaalada Nairobi iyo Waqooyiga-Bari Kenya’ oo kooxda ilaalada xuquuqda aadanaha, soo saareen bishii July 2016 ayaa lagu diiwaangaliyay xadgudubyada ay ku lug leeyihiin hay’adaha amaanka ee la xiriira hawlaha loogu talagalay khataraha ka imanaaya argagixisada Al-Shabaab intii u dhexeeysay December 2013 iyo December 2015.
Ugu yaraan 34 Kenyan ah oo ay ku jiraan laba haween ah ayaa si qasab loo afduubtay oo la waayay halka 11 kale la dilay inta u dhaxaysa muddada la xusay, ka dib markii loo qaaday xabsiyada booliska si loo su’aalo sida lagu sheegay warbixinta.

