Faah-faahin:-Nabaadoon Caan Ahaa oo Lagu Magacaabi jiray Xasan Caddaan oo Galabta Lagu Dilay Degmada Wadajir

0

Wararka naga soo gaaraya degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in kooxo hubeysan ay Galabta halkaas ku dileen nabaadoon caan ahaa oo lagu magacaabi jiray Xasan Caddaan.

Nabadoonka ayaa sida la sheegay ka mid ahaa 135-ta oday ee soo xulaya ergooyinka beelaha ee lagu wado iney soo doortaan xildhibaanada cusub ee baarlamanka Somalia.

Wararka ayaa sheegaya in nabadoonka oo dhaawac halis ah qaba loola cararay Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho halkaasoo uu markii dambe ku naf baxay.

Ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda Soomaliya iyo kuwa Maamulka Degmada Wadajir ayaa goobta  gaaray kuwaasi oo aan ilaa haatan aan  la ogeyn cida ay u soo qabteen dilka Nabadoon Xasan Caddaan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here