Dagaal u Dhaxeeyay Ciidamada Galmudug iyo Kooxo jidgooyooyin Dhigtay oo ka Dhacay Deegaanka Godin-labe

0

Inta la xaqiijiyay 3-qof oo dhinacyadii dagaalamay ah ayaa ku dhaawacmay kadib Marii Ciidamada Nabada Sugida Dowlad Goboleedka Galmudug iyo iyo kooxo jidgooyooyin Dhigtay ay ku dagaalameen Duleedka Koonfureed Deegaanka Godin-labe ee Gobolka Galgaduud.

Dagaalkaan ayaa la isku adeegsanayaa hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana uu saameeyn ku yeeshay Magaalada Godinlabe, waxaa gabi ahaanba irdaha loo laabay ganacsiga iyo goobaha adeegga guud.

dagaalka ayaa la sheegay in duhurnimadii maanta ay qaadeen Ciidamada Nabada Sugida Dowlad Goboleedka Galmudug inkastoo uu saakay dagaal ka dhacay  waxaana u suurta  gashay Ciidamada Galmudug in ay meesha kala wareegaan kooxaha jidgooyada  u taalay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here