Ku Dhowaad 5,000 oo Muhaajiriin ah ay Somalia ku Jirto oo Laga Soo Badbaadiyay Badda Midhatareniyan-ka 

0

In ka badan 4,650qof oo tahriibayaal ah ayaa laga soo badbaadiyay meel ka baxsan biyaha dalka Liibiya halkaas oo la sheegay sidoo kale in ay ku dhinteen 28-qof oo ka mid ahaa dadka muhaajiriinta ahaa.

Tahriibayaashaan ayaa maalintii Talaadadii laga soo saaray badda Midhatareniyanka  kadib markii laga sameeyay illaa iyo 30 hawlgal  biyaha u dhexeeya Liibiya iyo Talyaaniga sida maanta oo Arboco ah ay sheegeen Saraakiil u hadashay illaalada xeebaha dawlada Talyaaniga.

Hawlgalkii ugu dambeeyay ee lagu soo saaray dadkaan tahriibayaasha ah ayaa waxaa ay ka dhigaysaa tirada qaxootigii ugu dambeeyay ee 48 saacadood lasoo bad baadiyay 10,000 oo qof, sidoo kalana waxaa la sheegay in ay dadka ku geeriyooday safarkaas ay gaarayaan 50-qof.

Ciidamada illaalada xeebaha Talyaaniga ayaa sheegay in tahriibayaasha lasoo badbaadiyay Talaadadii ay saarnaayeen 33-doomood,  Qaxootigaan ayaa intooda badan waxaa ay ka tagen qaarada Africa sida wadamada Nigeria, Eritrea, Guinea, Gambia, Sudan, Ivory Coast iyo Somalia.

13-markab ay leeyihiin dawladaha Talyaaniga, Irland iyo iyo hay’adu iyo ururo kale ayaa waxaa ay ku lugleeyihiin hawgalka badda Midhatareniyanka ee lagusoo badbaadinayo dadka muhaajiriinta Afrikanka ah.

142,000-qof oo qaxooti ah ayaa gaaray dalka Talyaaniga illaa iyo bilowgii sanadkaan 2016-ka sidoo kale 3,100-qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen socdaalkaas.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here