Degmada Mombasa oo Maxkamad Lagu soo Taagay Nin Lagu Eedeeyay in uu ka Tirsanaa Xarakada Al shabaab

0

Maamulka Saldhiga Linconi oo duleedka ka ah Magaalada Mombasa, ayaa sheegay in Rama Ali oo looga shakisanyhay in uu ka mid ahaa Al shabaab su’aalo laweydiinayo kadib markii lagusoo qabtay hawgal ay ciidamadu sameeyeen.

Rama Ali  ayaa lagasoo qabtay deegaanka Mrima  maalintii Isniintii,halkaas oo asaga iyo sedex nin oo kale oo baxsaday la sheegay in ay isku qarinayeen .

Hogaanka saldhiga Booliska Likoni ee degmada Mombasa Willy Simba ayaa sheegay in Rama Ali  uu qirtay in uu kusoo tababartay dalka Somaliya islamarkaana uu dib ugusoo laabtay dalka Kenya horaantiin sanadkaan.

Simba ayaa sheegay in ninkaan sidoo kale ay su’aalo kaweydiinayaan dadka kale oo lasocday oo ay dib ugu wadalaabteen dalka Kenya.

Deegaanka Likoni ayaa lasheegay in ay tahay goob ay intabdan isku qariyaan dadka dambiilyaasha ah ee kasoo baxsada deegaanka Kwale iyo magaalada Mombasa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here