Gawaarida Keenta Qudaarta Waxa ay ka Qeyb Qaataan Amnidarada ka Jirto Magaalada Muqdisho+Dhageyso

0

Maamulka Gobolka Banaadir  ayaa sheegay in amni darada ka jirta Magaalada Muqdisho  ee Caasimada Soomaliya ay qayb ka tahay Qudaarta lasoo galiyo Magalaada eek u timaada Gobolada dalka Soomaliya.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir  ahna duqa Magaalada Muqdisho Shiikh Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale) oo  maanta warbaahinta kula hadlay  suuqa Ceel Garweyne ee degmada Holwadaag ayaa sheegay in Gawaarida sida qudaarta ee ka timaada Gobolada dalka Soomaliya ee timaada Magaalada Muqdisho ay qeyb ka yihiin amni darada ka jirta Magaalada.

“Waxaad la socotiin Arrimaha amniga  baryahaan dambe waxaa soo badanayay in Gawaarida ka timaada Gobolada  dalka ee qudaarta keenta Magalada Muqdisho in lagu soo  dhex qariyo waxyaabaha qarxa, Hay’addaha amniga arintaas dhibaato ayay kala kulmeen”, ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Shiikh Yuusf Xuseen Jimcaale.

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Shiikh Yuusf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in wixii ka dambeeya maanta in Gawaarida ka timaada Gobolada  dalka Soomaliya ee Qudaarta keenta Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya in ay si toos ah u tagayaan Suuqa Ceel-garweyne halkii ay xiligii hore ka tagi jireen Suuqa Bakaaraha.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here