Daaficii Hore ee kooxda Liverpool John Arne Riise ayaa rumeysan in kooxdiisa Hore ay xili ciyaareedkaan fursad u haysato ku guuleysiga horyaalka ingiriiska xili uu hogaaminaayo Macalinka reer Germany ee Jurgen Klopp..
Liverpool ayaa Guuleysatay 4-kulan oo xiriir ah waxayna ku jirtaa kaalinta afaraad ee kala sareynta Horyaalka Ingiriiska kaliyah 2-dhibcood ayay ka hooseeyaan hogaamiyayaasha ingiriiska Manchester City.
“Waxaan u malaynayaa in Liverpool ay sanadkaan u tartami karto horyaalka ingiriiska ayuu u sheegay Goal”,laakin waxaan u malaynayaa In Manchester City ay sidoo kale u tartami karto horyaalka madaama ay xoogan tahay.

