Pierre-Emerick Aubameyang oo Real Madrid ugu Baaqay in ay La Wareegto Hadii kale uu Ku Biiri Doono Man City

0

Weeraryahanka kooxda  Borussia Dortmund  ee Horyaalka  Germany Pierre-Emerick Aubameyang ayaa ugu baaqay naadiga Spain ka dhisan ee Real Madrid in si dhaqsi ah ay ula  wareegto xili shalay ay soo baxeen warar ku adan in uu ku dhow heshiis uu la gaaro naadiga Manchester City ee dalka Ingiriiska.

Hadal loo qaadan karo inay tahay iskudaygiisii ugu danbeeyay ee uu madaxda Bernabeu ugu baaqayo inay la soo wareegaan, xiddigaan oo taageere Real Madrid haatana u ciyaaraya Borussia Dortmund ayaa sheegay inay mar ay tahayba uu doonayo inuu u ciyaaro kooxda heysata Champions League.

laacibkaan kasoo jeeda dalka Gabon  ayaa xili ciyaareedkii aynu soo dhaafnay kooxdiisa Borussia Dortmund  u dhaliyay in ka badan 30-Gool

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here