Madaxweynaha:-Ujeedka aan u Tagaayo Caasimadaha Maamul Goboledyada Waa in Laga Baaqsado Dib u Dhac ku Yimaada Doorashada

0

Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo wareysi gaar ah siiyay Tv-ga Universal ayaa ka hadlay ujeedka booqashooyinka uu ku tagayo caasimadaha Maamul Goboledyada dalka ka jira xili uu booqasho ku tagay Magaalada Baydhabo ee Caasimada kmg-ka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya.

Madaxweyne Xasan Shiikh maxamud ayaa tilmaamay in maalmaha soo socda uu booqasho ku tagi doono Magaalooyin kale oo caasimad ah Maamul Goboleedyadka  dalka ka jira, ujeedka ayuu ku sheegay in laga baaqsado dib u dhac salka ku haaya arimaha farsamooyinka oo ku yimaada Doorashada dadban ee dalka ka dhaceysa sanadkaan.

“Magaalooyin kale oo Dowlad Goboledyada ka mid ah waxaan u tagi doonaa si aanu dib u dhac u imaanin oo laga hortago sabab kasta oo keeni karta dib u dhac ku yimaada howlaha Doorashooyinka Somaliya, maalmaha soo socda ayaan tagi doonaa.” Ayuu yiri Madaxweynaha Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Dhanka kale Madaxweynaha  Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa beeniyay wararka sheegaya  in booqashadii Magaalada Baydhabo  ee Gobolka Baay ay xiriir la laheyd Olilihiisa doorashada sanadkaan 2016-ka.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here