Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin xuseen Guuleed ayaa Habeenkii xalay ahaa Magacaabay Guddoomiyaha cusub gobolka Mudug iyo ku-xigeenadiisa
Kadib xaflad si heer sare loosoo agaasimay oo xalay ka dhacday Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa Lagu Magacaabay Guddoomiyaha cusub gobolka Mudug iyo ku-xigeenadiisa,
Xaflada ka dhacday Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug waxaa ka qeyb Galay wasiiro, xildhibaano iyo Madax Horey xilal ugu soo qabtay Maamul Goboleedka Galmudug.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin xuseen Guuleed oo xaflada ka Hadlay ayaa Tilmaamay in uu aqoon iyo Karti usoo xushtay Gudoomiyaha Gobolka Mudug mudane Cabdirashiid Xaashi Cartan Iyo ku-xigeenkiisa.
Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin xuseen Guuleed ayaa amaan usoo jeediyay Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Mudug Aways Cali Siciid iyo Maamulkii Gobolka Mudug sida ay wax badan ugu qabteen Gobolka Mudug dhanka amniga iyo Hormarka.
Si Kooban
Gudoomiyaha Gobolka Mudug mudane Cabdirashiid Xaashi Cartan.
Mudane Cabdi Xuseen Sheikh Ahmed Gudoomiye Kuxigeenka Arrimaha Siyaasada iyo Amniga ee gobolka
Axmed Maxamed Shire Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iy Maaliyadda ee gobolka
Maxamed Ali Adan Guddoomiye Ku-xigeenka Arimaha Bulshada ee gobolka





