Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guleed oo Magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Mudug

0

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin xuseen Guuleed ayaa Habeenkii xalay ahaa Magacaabay Guddoomiyaha cusub gobolka Mudug iyo ku-xigeenadiisa

Kadib xaflad si heer sare loosoo agaasimay oo xalay ka dhacday Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa Lagu Magacaabay Guddoomiyaha cusub gobolka Mudug iyo ku-xigeenadiisa,

Xaflada ka dhacday Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug waxaa ka qeyb Galay wasiiro, xildhibaano iyo Madax Horey xilal ugu soo qabtay Maamul Goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin xuseen Guuleed oo xaflada ka Hadlay ayaa Tilmaamay in uu aqoon iyo Karti usoo xushtay Gudoomiyaha Gobolka Mudug mudane Cabdirashiid Xaashi Cartan Iyo ku-xigeenkiisa.

Sidoo kale  Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin xuseen Guuleed ayaa amaan usoo jeediyay Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Mudug Aways Cali Siciid iyo Maamulkii Gobolka Mudug sida ay wax badan ugu qabteen Gobolka Mudug dhanka amniga iyo Hormarka.

Si Kooban

Gudoomiyaha Gobolka Mudug mudane Cabdirashiid Xaashi Cartan.

Mudane Cabdi Xuseen Sheikh Ahmed Gudoomiye Kuxigeenka Arrimaha Siyaasada iyo Amniga ee gobolka

Axmed Maxamed Shire Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iy Maaliyadda ee gobolka

Maxamed Ali Adan Guddoomiye Ku-xigeenka Arimaha Bulshada ee gobolka

mudug_guddo-1 mudug_guddo-2 mudug_guddo-5 mudug_guddo-41

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here