Waxaa Maanta lagu wadaa In Magaalada Garoowe ee caasimada Maamulka Puntland ay ka dhacdo doorashada Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Puntland
Musharixiinta u Taagan qabashada xilka Gudoomiyaha Baarlamanka Maamul Goboleedka Puntland ayaa Galinkii dambe ee shalay gudbiyay araajida musharaxnimo ee Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Puntland.
Ilaa haatan musharixiinta u Taagan qabashada xilka Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Puntland waxaa kamid ah Cabdi Cabdixakiin Xaaji Maxamed (Dhoobo-Daareed), Axmed Cali Xaashi, iyo Siciid Daahir Qodax, kuwasoo shalay u Gudbiyay Guddiga Doorashinka araajidooda Musharaxnimo.
Dhawaan ayay aheyd Markii xilka Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Puntland Mudane saciid cali shire uu iska casilay xilka Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland kadib mooshin ay kasoo Gudbiyeen Tiro xildhibaano ah.

