Faah-faahin:- Qarax Gaari  oo Geystay Qasaaro oo Galabta Ka Dhacay Xaafadda Sey Biyaano ee Degmada Hodan

0

Qarax gaari  oo  ay ku dhaawacmeen afar ruux oo saddex ka mid ah lagu sheegay inay la socdeen gaariga qarxay ayaa ka dhacay Galabta  xaafadda Sey Biyaano ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Qaraxan, ayaa waxaa lagu soo xiray gaari nooca raaxada ah, kaasoo uu iska lahaa  sida la sheegay macalin wax ka dhiga Jaamacadda Plasma ee Degmada Hodan, wuxuuna yaalay gaariga goob  goomiste  ah oo ku taala Gudaha Xaafadda Sey Biyaano.

Dhanka kale Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee dowlada Soomaliya, C/fitaax Cumar Xalane, ayaa sheegay in Ciidamada ammaanka ay wadaan baaritaano ku aadan cidii qaraxaasi ku soo xirtay gaariga.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here