Xarunta Xalane ee Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM waxaa maanta ka dhacay kulan loogu hadlaayay sidii loo xoojin lahaa amaanka xiliyada doorashooyinka dalka ay ka dhacayaan waxaana kulanka ka qeyb galay Saraakiisha ugu sareysa Ciidamada AMISOM.
Kulanka waxaa Shir gudoominayay Taliyaha Ciidamada AMISOM General Osman Noor Subagleh, waxaana kulanka kasoo qeyb galay abaanduulayaasha qeybaha kala duwan ee ciidamada AMISOM ee ka howlgala gobolada Soomaaliya.
Saraakiishii kulanka ka qeyb gashay ayaa si weyn ulafa guray sidii loo adkeyn lahaa amaanka goobaha doorashooyinka ay ka dhacayaan ee Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka Soomaliya, islamarkaana loogu hortagi lahaa cid walba oo isku dayda in ay carqaladeyso doorashada Soomaliya ka dhacaysa iyo sidii Ciidamo ka socda AMISOM loo geyn lahaa Magaalooyinka ay doorashada ka dhacayso.





