Xili Warbaahinada Soomalida ay baahiyeen warar ku aadan in Dowladda Federaalka Soomaliya ay ku wareejisay Hay’addo Hoos Taga Midowga Yurub dhul dan guud ah oo ku yaala gudaha Magaalada Muqdisho ayaa arintaas waxaa beeniyay Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhiska Xukuumadda Somaliya Engineer Saalax Cismaan.
Eng. Saalax Cismaan Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhiska Xukuumadda Somaliya ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in dhul dan guud ah lagu wareejiyay Hay’addo Hoos Taga Ururka Midowga yurub islamarkaana ay wararkaas faafiyeen dad wax magarato ah.
“Wax Midowga Yurub la siiyay ma jirto wax alaale wixii dan guud ah oo loo isticmaali karo ayaa loo isticmaalaa laakiin waxaad sheegeysid meel ay ku qoran yihiin iyo meel ay ku yaalaan ma jiraan waa kutiri ku teyn, Saxaafadda waxa ay rabaan ha qoraan, laakiin Dowladda hadii ay bixinayso wax dan guud ah, waxaa loo isticmaalayaa Millateri ama Iskuul, wixii intaasi ka baxsan ma jiraan.” Ayuu yiri Wasiir Saalax oo la Hadlay TV Horn Cable xaruntiisa Muqdisho.
Dhawaan ayay aheyd markii ay soo baxayeen warar ku aadan in Dowladda Soomaliya ay ku wareejisay Hay’addo hoos Taga Urur Midowga yurub dhul ku dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho oo sanado ka hor laga bur buriyay dad rayid ah.

