Eng. Saalax Cismaan: “Hay’addo Hoos Taga Midowga Yurub oo Lagu Wareejiyay Dhul Dan Guud ah Ma Jiraan”

0

Xili Warbaahinada  Soomalida ay baahiyeen warar ku aadan in Dowladda Federaalka  Soomaliya ay ku wareejisay  Hay’addo Hoos Taga Midowga Yurub dhul dan guud ah  oo ku yaala gudaha Magaalada Muqdisho ayaa arintaas waxaa beeniyay Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhiska Xukuumadda Somaliya Engineer  Saalax Cismaan.

Eng. Saalax Cismaan Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhiska Xukuumadda Somaliya   ayaa sheegay in  aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in dhul dan  guud ah lagu wareejiyay Hay’addo Hoos Taga Ururka Midowga yurub islamarkaana ay wararkaas faafiyeen dad wax magarato ah.

“Wax Midowga Yurub la siiyay ma jirto wax alaale wixii dan guud ah oo loo isticmaali karo ayaa loo isticmaalaa laakiin waxaad sheegeysid meel ay ku qoran yihiin iyo meel ay ku yaalaan ma jiraan waa kutiri ku teyn, Saxaafadda waxa ay rabaan ha qoraan, laakiin Dowladda hadii ay bixinayso wax dan guud ah, waxaa loo isticmaalayaa Millateri ama Iskuul, wixii intaasi ka baxsan ma jiraan.” Ayuu yiri Wasiir Saalax oo la Hadlay TV Horn Cable xaruntiisa Muqdisho.

Dhawaan ayay aheyd markii ay soo baxayeen warar ku aadan in Dowladda Soomaliya ay ku wareejisay Hay’addo hoos Taga Urur Midowga yurub dhul ku dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho oo sanado ka hor laga bur buriyay dad rayid ah.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here