Qaramada Midoobay oo  Hubert Price Usoo Magacawday Xafiiskeeda UNSOS ee Gudaha Somaliya

0

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa ku dhawaaqay magacaabista Hubert Price oo ah muwaadin maraykanka ah islamarlaana noqonaya madaxa Xafiiska Qaramada midoobay taagerada Somaliya ee lasoo gaabiyo UNSOS.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa muujiyay in Mr. Price uu booskaan cusub  u leeyahay  in kabadan 20 sano oo qibrad ah oo uu kasoo shaqaynaayay hawgalada nabad illaalinta Qaramada Midoobay.

Hubert Price ayaa waxaa uu hawlo kaladuwan kasoo qabtay wadama badan oo African ah,waxa uuna dhowaan soo noqday Agaasimaha hawgalka taageerada Qaramada Midoobay  ee dalka Liberia xilkaas oo uu hayay intii u dhaxaysay sanadihii2 010 illaa 2015-tii.

Mr. Price ayaa ah Colonel hawlgab ah oo horay ulasoo shaqeeyay Ciidamada Maraykanka,

sidoo kale Mr. Price wuxuu kasoo shaqaynaayay hawgalada nabad illaalinta QM illaa iyo 1994,

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here