Shir looga Hadlayo Dhibaatooyinka Muhaajiriinta ayaa ka Furmay Jasiiradda Malta

0

Shir ay ka qeyb galayaan hogaamiyaal gaaraya 50-Hogaamiye  loogana hadlaayo dhibaatooyinka muhaajiriinta ayaa ka furmaya maanta axad ah dalka malta oo dhanka kalana ah jasiirad yar oo kutaala qaaradda afrika.

Shirkaan oo muddo bil ka hor horay lasii shaaciyey ayaa sigaar ah u noqon doono mid diirada lagu saarayo muhaajiriinta faraha badan ee wali isku dayaya in ay kabaxaan xeebaha dalalka libiya iyo masar .

Hogaamiyasha ka qeyb galaya oo badan kood afrikaan ah  ayaa ahaa kuwii horay uga qeyb galay shir lagu qabtay magaalada BRUSSELS, ee xarunta u ah dalka Belgium kaasi oo looga hadlay qulqulka muhaajiriinta imaanaya qaaradda yurub.

Dhanka soomaaliya waxaa kulankaasi uga qeyb gali doona reseal wasaraha soomaaliya cumar cabdirashiid cali sharmaake oo la kulmi doona madaxda jasiirada malta , waxaana la filayaa in sigaar ah ay uga wada hadlaan xiriirka aan sidaasi u weyneen ee ka dhaxeeya labada dal.

Jasiiradda malta waxaa ku xir xiran soomaali badan oo badan-kood loo heysto falal Burcad badeednimo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here