Dab La Qabadsiiyey Dhismo ay ku jireen Qaxooti Soomaaliyeed

0

Dad careysan oo aad u badnaa ayaa dab qabad siiyey dhismo weyn oo ay ku jireen dad qaxooti ah , dhismahaasi oo ku yaalada dalka Sweden.

Xerada ayaa kutaala Magaalada Floda ee duleed dalka Sweden dhanka  koonfur galbeed ayaa waxaa ay hooy u aheed qaxooti soomaaliyeed oo aad ubadan iyo sidoo kale dad kale oo qaxooti ah kuwaasi oo u kala dhashay dalalka Syria, Iraq, iyo dalka Afghanistan .

Ciidamada booliska dalka Sweden ilaa iyo hada ma jirto cid ay usoo qabteen falkaan lagu gubay dhismaha ay ku jireen qaxootiga soomaaliyeed waxaana wararka qaar ay sheegayaan in dadka dhismaha gubay ay u badnaayeen dhalin yaro kuwaasi oo ka careysan muhaajiriinta badan ee soo gaaray dalkooda.

Afhayeenka magaalada floda ee dalka Sweden ayaa warbaahin gudaha  u sheegay in dhaawac uusoo gaaray dadkii xeradaasi ku jiray balse aysan jirin wax dhimasha ah uu dabkaasi geystay.

Dalka Sweden oo dhaca qaaradda yurub ayaa ah dalka ugu badan ee qaxooti badan marti galiyey sanadyadii dambe.

Tan iyo bilowgii sanadkaan dalka Sweden waxaa ay aqbaleen muhaajireen dhan 100,000, waxaana masuuliyiinta dalkaasi ay horay u shaaciyeen in dhamaadka sanadkaan 2015 ay filayaan dadka qaxootiga ee Sweden imaanaya in ay gaaraan 190,000

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here