Hawlgalka AMISOM oo Badelay Taliye ku-xigeenkii Ciidamada AMISOM ee Somaliya+(Daawo Sawirro)

0

Hawgalka Midawga Afrika Amisom ee  Somalia ayaa badel ku sameeyay taliye ku-xigeenkii ciidamada AMISOM Mohammedesha Zeyinu Kaasi oo dhamaystay muddo hal sano iyo bar oo uu ka shaqaynayay Somaliya.

Maj. Gen. Zeyinu,oo masuulka ahaa hawgalada iyo qorshaynta hawlaha ciidanka ayaa ku wereejiyay xilkii uu hayay Gen. Abreha Tesfay,kaas oo lawereegay masuuliyadii ilamarkaana loo magacaabay in uu noqdo taliye ku xigeenka cusub.

Xaflad kooban oo lagu qabtay xarunta AMISOM ee Somaliya ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil sar sare oo uu ka  mid yahay taliyaha ciidamada AMISOM Lt. Gen. Osman Noor Soubagleh,taliye ku xigeenka dhinaca saadka u qaabilsan ciidamada iyo  saraakiil kale.

Taliyaha hore Maj. Gen. Zeyinu,oo munaasabada ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in uu ku faraxsanyahay shaqadii uu sooqabtay  islamarkaana uu siwanagsan ula shaqeeyay hawgalka,waxaana intaas ku daray in uu qibrad ka helay intii  uu hayay hawlaha loo igmaday ee uu ka shaqaynayay Somaliya.

Taliye ku xigeenka cusub oo asna goobta kahadlay  Maj. Gen. Tesfay ayaa waxaa uu ammaanay hawsha uu qabtay taliye ku xigeenkii ka horeeyay oo uu sheegay in uu door ku lahaa wiiqitaanka Al shabaab.

29411324994_cb1edb5330_m 29411331224_63eb9909af_m-1 29411331224_63eb9909af_m 29412075993_fd4e7447fe_m 29412086303_24050d95d6_z   29925522382_6ac34123a9_m 29925523362_e324f19920_m 29925527662_cdb14c4297_m 29925540542_d17dabb0f5_m 29955684401_a33a66f0d8_m 30005087976_2cd13d11cb_m

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here