Wararka naga soo gaaraya Degmada Dharkinley ayaa ku waramaya in qarax gaarigiisa loogu xirey sarkaal ka Tirsan Ciidamada Malatariga Dowladda Soomaliya in uu ka dhacay Gudaha Degmadaas.
Gaarigaan qaraxa loogu xirey Sarkaalka ka Tirsan Ciidamada Malatariga Soomaliya ayaa la sheegay inuu ka soo baxay Warshada Nacnaca, xilli uu maraayay inta u dhaxeysa Xerooyinka Barakacayaasha ee Rajo iyo badbaado ayuu mar kaliya qarxay.
Qaraxa ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhawacmay Sarkaalka ka Tirsan Ciidamada Malatariga Dowladda Federaalka Soomaliya oo dhaawiciisa la geeyay mid kamid ah Isbitaalada Magaalada Muqdisho .
Wararka ayaa intaa ku darayaya in Sarkaalka ka Tirsan Ciidamada Malatariga Dowladda Soomaliya ay ka bur-bureen Lugihiisa, dhaawaciisana uu culus yahay, maadaama qaraxa uu ku xirnaa sida la sheegay qaybta darawalka uu fariisto ee baabuurka laga kaxeeyo.

