Tababar ay soo qaban qaabisay Hay’adda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SIMHA oo gacan ka heshay Hay’adda Caalamiga ee Taageeradda siisa Suxufiyiinta ee (The International Media Support (IMS/FOJA) ayaa lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Muqdisho.
Ku-dhawaad 30 Saxafi oo ka kala socday qaar ka mid Warbaahinadda Idaacadaha, Telefishinadda iyo Websaytyadda Magaalada Muqdisho ayaa ka qeyb galay Tababarka ay soo qaban-qaabisay hay’adda SIMHA.
Siminaarkaan ayaa lagu baranayay sidii ay wariyayaasha ay isaga ilaalin lahaayeen Khataraha iyo sida ay Gawaaridooda uga baari karaan waxyaabaha qarxa iyo sida loogu gurman karo Saxafi ay waxyeello soo gaartay waxaana bixinaayay siminaarka Tababarayaal si weyn u yaqaana arrimahaas.
Ugu horeyntii Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaliya , C/risaaq Cali Yuusuf “Bahlaawi” ayaa soo xiray Tababarkaan loo qabtay Suxufiyiin ka kala socotay qaar ka mid ah Warbaahinadda ka hawlgala magaalladda Muqdisho iyo Goballadda Dalka Soomaliya.
Sidoo kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaliya , Mudane C/risaaq Cali Yuusuf “Bahlaawi waxa uu kula dardaarmay suxufiyiinta Tababarka loosoo xirey in ay adeegsadaan waxyaabaha la baray islamarkaana ay bulshada ay ugu faaideeyaan.
Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Dalladda SIMHA, Xasan Cali Geesey ayaa isaganaka hadlay Xiritaanka Tababarkaasi, wuxuuna sheegay in Seminaarkaasi qeyb ka yahay Wacyi-gelinta iyo Sare u qaadista Aqoonta Suxufiyiinta ee ay kaga badbaadi karaan Khataraha ay had iyo jeer la kulmaan Suxufiyiinta.





