Hay’adda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SIMHA oo Tababar Usoo Xirtay  Ku-dhawaad 30-Saxafi(Daawo Sawirro)

0

Tababar ay soo qaban qaabisay  Hay’adda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SIMHA oo gacan ka heshay Hay’adda Caalamiga ee Taageeradda siisa Suxufiyiinta ee (The International Media Support (IMS/FOJA) ayaa lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Muqdisho.

Ku-dhawaad 30 Saxafi oo ka kala socday qaar ka mid Warbaahinadda Idaacadaha, Telefishinadda iyo Websaytyadda Magaalada Muqdisho ayaa ka qeyb galay Tababarka ay soo qaban-qaabisay hay’adda SIMHA.

Siminaarkaan ayaa lagu baranayay sidii  ay wariyayaasha ay isaga ilaalin lahaayeen  Khataraha iyo sida ay Gawaaridooda uga baari karaan waxyaabaha qarxa iyo sida loogu gurman karo Saxafi ay waxyeello soo gaartay waxaana bixinaayay  siminaarka Tababarayaal si weyn u yaqaana arrimahaas.

Ugu horeyntii Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaliya , C/risaaq Cali Yuusuf “Bahlaawi” ayaa soo xiray Tababarkaan loo qabtay Suxufiyiin ka kala socotay qaar ka mid ah Warbaahinadda ka hawlgala magaalladda Muqdisho iyo Goballadda Dalka Soomaliya.

Sidoo kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaliya , Mudane C/risaaq Cali Yuusuf “Bahlaawi waxa uu kula dardaarmay suxufiyiinta Tababarka loosoo xirey in ay adeegsadaan waxyaabaha la baray islamarkaana ay bulshada ay ugu faaideeyaan.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Dalladda SIMHA, Xasan Cali Geesey ayaa isaganaka hadlay Xiritaanka Tababarkaasi, wuxuuna sheegay in Seminaarkaasi qeyb ka yahay Wacyi-gelinta iyo Sare u qaadista Aqoonta Suxufiyiinta ee ay kaga badbaadi karaan Khataraha ay had iyo jeer la kulmaan Suxufiyiinta.

simha1-560x420  simha5-560x420 simha-6-560x420 simha7-560x420 simha-560x420

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here