Ururada Xuquuqda Aadanaha ee dalka Kenya ayaa eedeen u jeediyay Dowladda Kenya oo ku aadan In si bareer ah ay booliska Magaalada Mombasa ay u Toogteen 3-Gabdhood ay ku eedeeyeen in ay weerar ku qaadeen Saldhig Boolis oo Magaaladaas ku yaala.
Boolisku Magaalada Mombasa ee dalka Kenya waxay sheegeen in Gabdhahaas la dilay in ay ka tirsanaayeen Ururka ISIS ama Daacish, isla markaana ay weerar ku qaadeen saldhigaas, Laakiin Ururada Xuquuqda Aadanaha ayaa arrintan ku tilmaamay mid lagu qarinayay gabood fallada ay boolisku geystaan.
Dhawaan Booliska Magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa xabsiga dhigay 3 Gabdhood oo lagu eedeeyay in ay xiriir la lahaayen gabdhihii ay dileen Ciidamada Booliska Kenya ayaa lagu kala magacaabaa Haweenka Xabsiga la dhigay Nasteho Ali Thalil, Luul Ali Tahlil and Zam Zam Abdi.

