Tabashooyinka Ergooyinka ka Qeyb Galaya Shirka Maamul u Sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo La Xaliyay

0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa ku Guuleystay in ay xaliyaan Cabashooyinka ay soo gudbiyeen ergooyinka ka qeyb galaya shirka Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo shalay gabi ahaanba isaga baxay Howlka Shirka ee Magaalada Jowhar.

Kulamo xalay ay wada qaateen Madaxda  Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya, Urur Goboleedka IGAD iyo Ergooyinka ayaa la isku afgartay in la xaliyo Tabashooyinka islamarkaana lasii amba qaado howlaha Shirka Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe.

Sababta  ay isaga baxeen  Shalay Ergooyinkii ka qeyb galayay Shirka Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa lagu sheegay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya ay Ergooyinka u sheegtay in aysan jirin dhaqaalo loogu talagalay in la siiyo Ergada.

Ergada ayaa maanta Guda galaysa ka doodista Dastuurka uu yeelan doono Maamulka Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here