Taliyihii hore ee Hay’ada Nabad sugida iyo Sirdoonka Gobolka Banaadir Cabdi Xakiin Farey, oo xilkaan hayay mudooyinka dambe ayaa la xaqiijiyay in xilka laga qaaday waxaana xilkaani loo magacaabay Taliye cusub oo KMG ah.
Taliyaha Cusub ee Ciidanka Hay’adda Nabad Sugida Gobolka Banaadir ayaa si KMG ah loogu magacaabay Col. Maxamed Xasan Faarax (Faran Far) oo horey uga mid ahaa ku xigeenada Taliyaha Hay’ada Nabad Sugida Gobolka Banaadir .
Arintaan waxaa Idaacadda Simba u xaqiijiyay Mas’uuliyiin ka Tirsan maamulka Gobolka Banaadir.

